Waddo Halaq Nin Moog Baa Waaby Ka Leefa: Xasan Sheikh Maxamud, Jabuuti, Jigjiga iyo Midowga Afrika


“R.W. Abiy Axmed ayaa Soomali midayn doonaa. Waddani kasta oo Soomaali ahna waxaa la gudboon inuu u mahad celiyo Abiy Axmed.” Jabuuti ayay ahayd iyo Shirkii Machadka Heritage meeshii ugu horraysay ee laga baahiyay hadalkan ihaanada iyo xeer gudubka ku ah taariikhda iyo masiirka isirka Soomaalida. Masuuliyiin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo boqollaal miiddii Soomaali ah ayaa ku kulansanaa goobtaa.

Saddex sano ka kor, 2016, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Jigjiga u gurguurtay isagoo Madaxwaynaha Soomaaliya ah. Halkaa ayuu ka soo xambaartay Malafka Xabashiyaynta qaddiyadda guunka ah ee Soomaalida Geeska Africa iyo Dawladnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Feberaayo 2024, Isla isagii ay Addis Ababa ka soo dhexmuuqday isagoo dullaysan oo hoganaya. “Itoobiya ayaa igu xabbistay Hoteelkii aan degganaa oo ii diidday inaan ka qaybgalo Shirka Madaxwaynayaasha Midowga Afrika. Madaxwaynaha Jabuuti ayaa I soo badbaadiyay,” isagoo ku ooyaya ayaa warbaahinta laga daawaday.

30kii Janaayo 2026, Xasan Sheikh iyo Ismaaciil Cumar Geelle  ayaa lagu dhex arkay Jigjiga iyagoo garbaha kaga jira RW Itoobiya, Abiy Axmed. “Annagu odayga (Abiy) ayaan daba soconaynaa,” waa erayadii taariikhda gaalay ee ka guntamay dadabgalkii siyaasadeed ee Jigjiga.

Maanta, Febraayo 15, 2026, Xasan Sh. Maxamud  wuxuu Addis Ababa kala yimid Midowga Afrika ayaa sugay gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Saacado ka hor wuxuu goob joog ka ahaa khudbaddii RW Itoobiya ee nuxurkeedu ahaa xudduudaha Itoobiya waa inay taabtaan xeebaha baddaha. Lixdan iyo saddex sano ka hor, 1963, (AUN) Madaxwayne  Adan Cabdulle Cusmaan ayaa khudbad taariikhi  ah oo haybad iyo himilo qarannimo ku dheehantahay ka jeediyay aasaaskii Ururka Midowga Afrika, Addis Ababa, Itoobiya. Himiladii iyo hiigsigii qaran iyo dawlad xor ah, jamhuuri ah, dimuqraadi ah ee ay yagleeleen aasaasayaashii, waxaa lagu salliday oo maanta gabagabaynaya jiil aanan gayin milgaheeda iyo dhaxalkeeda. 

Xasan Sheikh Maxamud waa Madaxwaynihii ugu horreeyay taariikhda ee qalinka ku duugay heshiis caalami ah oo qeexaya in Itoobiya ay xaq u leedahay inay gaari kart xeebaha iyo dekedaha Soomaaliya, sida laga dheehan karo Bayaankii Ankara. Bilo ka dibna, 21 Febraayo 2024, isla isagii ayaa heshiis qarsoodi ah saadadii iyo khayraadkii istraatajiga ahaa ee Soomaaliya Türkiye ugu wareejiyay. Iyadoo sabab looga dhigay in Ankara ay Soomaaliya ka difaaci doonto damaca Itoobiya. Baarlamaankii heshiiskaa ansixiyay iyo shacabka iyo muwaadiniinta Soomaaliya weli waxba kama oga baaxadda iyo qiimaha hantidii Türkiye loo rahmay iyo cidda la xisaabtamaysa. Waa bahdil saddex jibbaaran oo dunida naadir ku ah. 

Dad badan, oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira, ayaa iswaydiiya cunsurka iyo waxa uu ka kooban yahay Xasan Sheikh Maxamud. Waa su’aal muhim ah oo cilmibaaris iyo daraasad mug wayn u baahan. Laakiin macluumaadka ilaa iyo hadda laga ogyahay waxay tilmaamayaan shaqsiyad ay ahayd in laga ilaaliyo mansab iyo masuuliyad khusaysa awood iyo xukun nidaam dawladeed, masiir ummadeed iyo qiyam bulsho. Isaga ayaa afkiisa ka qirtay oo bulshada iyo warbaahinta u sheegay inuu yahay cunsur isbedbedela, duruufta la nool, meel loogu soo hagaagana aan lahayn. 

Ayaan darrose, Xasan Sheikh Maxamud dalkii iyo dawladnimadii laga ilaalin lahaa ayuu u soo hullaabtay, oo weliba uu ka noqday Madaxwaynaha keliya ee laba goor la doortay. Ku dhawaad toban sano oo uu hoggaaminayay Somaaliya, Xasan Sheikh Maxamud waxaa laga dhaxlay malafka qabiilaynta, goobagoobaynta, saboolaynta iyo gumaynta Soomaalida, qaran, degaan iyo dawlad. Waa mashruuc Soomaaliya. Waa mashruuc ay ku shirkoobeen dawladda Jabuuti, Jigjiga, iyo goosan ka mid ah dabaqadda siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu tun wayn yahay Xasan Sheikh Maxamud. Mashruucan ayaa loo soo waariday Jamhuuriyadda Soomaaliya oo baroosinka dhigatay xudduntii talada dalka. Xukunka iyo xukuumadda Xasan Sheikh Maxamud waxay u guntadeen una badheedheen bulaalinta mashruucan. Waxaa ka beermay dabaqad siyaasadeed, tujaar, culimo, jaamacado, dhoomo fikradeed, iyo xisbiyo caan ah.

Canaasiirtii mashruucan ayaa maanta qubaya ilmada yaxaaska.

Comments

Popular posts from this blog

NECESSITY AND DUTY MAY COMPEL PUNTLAND STATE TO ASSUME AN OFFICIAL ROLE IN FOREIGN POLICY

Carro-Udug Ayaan Ahay

I Dream of Becoming A King (A Poem)