GEERIDAA MALCUUNAAY!
GEERIDAA MALCUUNAAY!
Sharka uunka Makhluuqa
Makrigiisa Insaanka
Jinka meerisyadiisa
Rabbiyow magantaa.
Waad nagu mashquushoo
Carro Edeg Malcuunay
Waxaad dhigatay maqashii
Iyo masallahaagii.
Mahadhooyinkaagiyo
Miinooyinkaagiyo
Badanaa masaaraha
Iyo maarta gawraca.
Maxaad aragtay oo yaal
Maxaad maqashay oo jira
Oo aad Malcuunay
Dalkayaga ku maagtood
Ugu sii mamaysaa?
Waa mudacyadaadii
Iyo miciyahaagii
Waxa mayracaaye
Shan tobnaad Malcuunaay
Dushayada ka muuqdaa.
Magac iyo wixii qaran
Maal iyo wixii dhiig
Milgo iyo wixii dhaqan
Godob nagaga kaa maqan
Mugga iyo xisaabtii
Madaxaaga weeyoo
Adigaa maarkhaaatiya.
Wayse muuqataayoo
Damacaa Malcuunay
Maqaarkiyo lafaha iyo
Isir moora duug iyo
Waa inaad na madhisaa.
Gabbalkaa madoobaa!
Geeridaa Malcuunaay!
© 2023 Hassan Keynan
Comments
Post a Comment