Posts

Showing posts from August, 2018

My Name is Freedom

I am not Who you think I am I am not Who you say I am I am not What you perceive I am. I am Who I am. I am one and many Young and old Ancient and modern Near and far Local and global Perfect and profoundly flawed A creature of limited means and abundant wealth I am black and all shades of human complexion I am here and everywhere I am a labyrinth in a labyrinth. I transcend Celluloid archetypes Invented histories Imagined identities Hegemonic narratives Prescribed and programmed destinies. My name is freedom My home is dignity My destination is eternity. © 2018 Hassan Keynan Nairobi, Kenya

Garbaduubkii Muwaadin Qalbidhagax: Sannad ayaa ka soo wareegay, welina Garsoor ma helin lagamana Garaabin

Maanta waa snadguuradii 1aad ee Garbaduubkii Muwadin Qalbidhagax. Laakiin dhacdadaa naadirka ah saskii laga qaaday iyo mahadhooyinkay reebtay weli way ku taagan yihhin dadka Soomaaliyeed. Qisada Qalbidhagax waxay noqotay mid ka gudawayn kana shishaysa duruufaha iyo waayaha hal muwaaddin. Waxay u xuubsiibatay qaddiyad ummadeed oo ku guntan dareenka, quluubta iyo waayaha danwadaagta qaranka Soomaaliyeed. Sidaa darted waa lagama marmaan in la xuso wixii dhacay sannad ka hor, la is xusuusiyo in qisada muwaadin Qalbidhagax ay tahay sheeko qaran oo guri walba iyo gole walba khusaysa, la is kana waraysto su’aalaha weli ka oogan. Garbaduubkii iyo dhiibistii muwaadin Qalbidhagax Madaxwayne Farmaajo, RW Kheyre, ku-xigeenkiisa ayaa 23kii Agoosto 2017 amray gawracato iyaga u adeega inay soo garbaduubaan muwadin Qalbidhagax isagoo ku sugan hoteel uu ka daggana magaalada Gaalkacyo. Dayuurad khaas ah ayaa Muqdisho lagu keenya saddex maalmood ka dib, isagoo jeebaysan oo macawis iyo garan qa