Garbaduubkii Muwaadin Qalbidhagax: Sannad ayaa ka soo wareegay, welina Garsoor ma helin lagamana Garaabin
Maanta waa snadguuradii 1aad ee Garbaduubkii Muwadin
Qalbidhagax. Laakiin dhacdadaa naadirka ah saskii laga qaaday iyo
mahadhooyinkay reebtay weli way ku taagan yihhin dadka Soomaaliyeed. Qisada Qalbidhagax waxay noqotay mid ka
gudawayn kana shishaysa duruufaha iyo waayaha hal muwaaddin. Waxay u
xuubsiibatay qaddiyad ummadeed oo ku guntan dareenka, quluubta iyo waayaha danwadaagta
qaranka Soomaaliyeed. Sidaa darted waa lagama marmaan in la xuso wixii dhacay
sannad ka hor, la is xusuusiyo in qisada muwaadin Qalbidhagax ay tahay sheeko
qaran oo guri walba iyo gole walba khusaysa, la is kana waraysto su’aalaha weli
ka oogan.
Garbaduubkii iyo dhiibistii muwaadin
Qalbidhagax
Madaxwayne
Farmaajo, RW Kheyre, ku-xigeenkiisa ayaa 23kii Agoosto 2017 amray gawracato
iyaga u adeega inay soo garbaduubaan muwadin Qalbidhagax isagoo ku sugan hoteel
uu ka daggana magaalada Gaalkacyo. Dayuurad khaas ah ayaa Muqdisho lagu keenya
saddex maalmood ka dib, isagoo jeebaysan oo macawis iyo garan qaba. 28dii
Agoosto ayaa godkii lagu hayay oo madaxtooyada ku garab yaalla laga soo saaray.
‘War ninka indhaha ka xira, war ninka indhaha ka xira,’ ayuu amar ku bixiyay taliyihii
hawsha maamuayay. Isagoo indhaha ka xidhan ayaa garoonaka caalamiga ah ee Adan
Cadde la geeyay waxaan loo gacan galiyay ciidamo Itoobiyaan oo markiiba u
duuliyay Baydhaba dabeedna Godey, Dire Dawa, Debra Zeit, ugu dambayna Addis
Ababa.
Gawricii iyo nolol xabaalkii muwaadin Qalbidhagax
Hadday
28kii Agoosto ahayd maalin daran oo ay ummadda Soomaaliyeed sas ba’an ka
qaadeen, 6dii Siteember ayaa noqotay maalin ka sii daran. Waa maalintii Golaha
Wasiirrada shir aan caadi ahayn oo degdega loogu yeedhay ayna soo sareen go’aannadii
beenta iyo dhagarta badnaa ee ay sida fudud oo durdurada ah ugu nolol xabaaleen
muwaadinkii toban maalmood ka hor u garbaduubeen Itoobiya. Saacad gudaheed ayay
muwaadin Qalbidhagax uga xayuubiyay astaamaha, xuquuqaha iyo hiddaha saldhigga
u ah jiritaanka iyo karaamada waddaniga: isir, xorriyo, qaran, magac, amni,
caddaalad. Tirada intaa le’eg miisaankaana leh ayaan u kala hadhin waxna aan
iska waydiin jariimadan. Dastuurka iyo shurrucda dalka iyo dawladda ma xakamayn
waxay ku faleen muwaadinka. Xilka iyo waajibaadka wasiir walba saaran kuma
tixgalin. Masiir qarannimo uguma gurman. Isir iyo magac Soomaaliyeed uguma
hiilin. Xeer iyo tolnimo ugama xishoon. Islaannimo iyo Alla ka cabsi ugama
dhawrsan. Dareen baniiaadamna uguma damqan. Iyagaa soo xidhay, iyagaa maxkamadeeyay, iyagaana daldalaad ku riday.
Hal wasiirad, Dr. Maryan Qasim, ayaa ka hortimid aadna uga gilgilatay
garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax. Labana wasiirna way ka aamuseen.
Kacdoonkii ka dhashay garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax
28
kii Agoosto iyo 6dii Siteembar 2017 waxay ahaayeen kuwo taariikhda qaranka
Soomaaliyeed ugu xusan maalmo madaw, maalmo ceebeed. Ummaddii Soomaaliyeed
waxaa ku dhacay sas, argaggax iyo jahawareer. Waxaa ku habsaday masiibo ku
noqotay filan waa, qaadan waa. Xeer iyo xudduud kasta oo lagu asturnaa waa
lakala tuuray. Xadgudubka baaxadda leh in lagula kaco qof muwaadin ah,
Caasimaddii qarankana laga abaabulo lagana fuliyo, xukuumad Soomaaliyeedna ay
horseed ka tahay waxay noqotay dhacdo dhabannohays iyo mahadho ku reebtay
Soomaalida. Arrintan waxay damaqday dareenka, xasaasiyaadka, iyo hiddaha walaaleeyay
oo mideeyay isirka Soomaalida, kana dhigay danwadaag iyo qaran leh magac, dano,
saado, iyo masiir aan kala go’in, kala qaybsamin, kalana maarmin. Boqollaal kun
oo dalka iyo dunida dacalladeed kala jooga ayaa mar qudha ka kacay kana
gilgishay, cod dheer iyo ficilba, gabboodfalka iyo ihaanooyinka ay xukuumd
Soomaaliyeed kula kacday muwaadin Soomaaliyeed. Malaayin ayaa dareenkooda ku
muujiyay xamaasad iyo taageero niyadda ah. Bannaan baxyo, doodo, shirar,
maqaallo, waraysiyo, muxaadarooyin, iyo farriimo iyo xogo goos goos ah oo
qabsaday mareegaha internetka iyo baraha bulshada ayaa si isdaba jooga oo qiiro
leh u dhacay. Malaayiin Soomaali ah aan hore u maqal magaca muwaadin Qalbidhagax
ayaa isku bartay kuna baraarugay qaddiyadda Qalbidhagax. Qaddiyadda muwaadin
Qalbidhagax waxay kicisay mowjado iyo shucuur wadaninimo iyo dareen qarannim oo
aan dhawaan lagu arag waayaha Soomaaliyeed. Xukuumadda Madaxwayne Farmaajona
waxay ku wayday kalsoonidii iyo taageeradii shacabka.
Baadhistii iyo go’aankii Baarlamaanka Federaalk Soomaaliyeed
Waddaniyiintii ka gilgishay garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax
waxaa ka mid ahaa mudanyaal ku jira baarlamaanka. Dareenkooda shaqsiga ah ka
sokow, waxay xubnaha baarlamaanka ka turjumayeen dareenka shacabka ay matalaan.
Doodo dheer oo kulul ka dib, waxaa 13/09/2017 la magaacaabay guddi soo baadha soona qiimeeya
gabboodfalladii ay xukuumaddu kula kacday muwaadin Qalbidhagax. Maadaama
baarlamaanku uu yahay ha’yadda sharcidejinta, waxaa arrinta la eegayay dhinaca
dastuurka iyo shuruucda dalka. Laba bilood iyo usbuuc ka dib ayaa warbixintii
guddiga baarlamaanka la hor keenay iyadoo si toosa looga daawanayay
warbaahinta. Nuxurka warbixintu wuxuu ahaa laba go’aan oo ay dhammaan xubnihii
guddigu isku raaceen: 1) Garbaduubkii iyo dhiibistii muwaadin Qalbidhagax waxay
ahaayen xadgudubyo baalmarsan shuruucda dalka, 2) Go’aankii Xukuumadda ee ahaa
in ururka ONLF oo uu Qalbidhagax ka tirsanaa, uu yahay urur argaggixiso ah
inuusan waafaqsanayn shuruucda dalka. Xubnihii baarlamaanka waxay si aqlabiyad
ah u ansixiyeen warbixintii guddiga. Waxaa ka soo horjeestay lix xildhibaan.
Go’aammadii iyo jawaabihii Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo
Afar
jeer ayay xukuumadda Farmaajo ka hadashay garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax. Waxaa
ugu horreeyay taliyihii hore ee NISA, Sanbalooshe, oo madax u ahaa gawracatadii
fulisay garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax. “Arrinta khusaysa sarkaalka ONLF
waqtigeeda ayaa laga hadli doonaa,’ ayuu yiri Sanbalooshe. Waxaa xigay go’aankii
Golaha wasiirrada ee 6dii Siteembar 2017. Sannad kaddib, Madaxwayne Farmaajo ayaa
ereyo kooban ku sheegay in xukuumaddiisu ay ‘aqbashay go’aankii baarlamaanka,’
isagoo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay. Ugu dambayntii, Madaxwayne Farmaajo
ayaa dalka Eritrea kula kulmay guddoomiyaha ururka ONLF. Guddoomiyaha ayaa
waraysi ay la yeelatay laanta Af Soomaali ee VOA ku sheegay in Farmaajo uu
raalli galin ka bixiyay garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax. Hase yeeshee
Madaxwayne Farmaajo iyo xukuumaddiisa kama aanay hadal, markii toos loo
waydiiyayana way ka meermeereen.
Dhaqanka
iyo dabeecadaha lagu bartay Madxwayne Farmaajo iyo xukuumaddisu waxay ku
salaysan yihiin ismoogaysiin, aamusnaan, been, dafiraad, raadgadsho, dabamaryayn,
sir, dhagar, musuqmaasuq, hawgallo qarsoodi ah, abaabul iyo maalgalin kooxo
dacaayad iyo barabagaan afuufa, isla wayni, awood sheegasho, iyo xadgudubyo ka
dhan ah dastuurka iyo shuruucda dalka. Xukuumadda Farmaajo Garbaduubka muwaadin
Qalbidahagax waxay u abaabushay una fulisay si qarsoodi. Markii la waydiiyay
way dafirtay. Markay odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed u tageen Farmaajo kana
codsadeen inaan Muwaadin Qalbidhagax loo dhiibin Itoobiya, wuu meermeeriyay ugu
dambayntiina been ayuu u sheegay. Markay Itoobiyay qarxisay sirtoodi, Farmaajo
iyo Khaire waxay maleegeen shirqookii 6dii Siteembar. Dembi ay galeen koox yar
ayaa loo rogay mu’aamaro iyo dakane ay ka dambeeyeen xubnaha golaha wasiirrada
dhammaantood. Dadaalladii baarlamaanka waxay xukuumaddu ku bixisay kharash
badan si ay u kala daadiso, iyadoo adeegsanaysa xubno kamida baarlamaanka oo ay
gacan saar hoose leeyihiin. Go’aannaddi taariikhiga ahaa ee barlamaanka Farmaajo
iyo Khaire waxay la wajaheen cadho, kibir iyo isla wayni. Waxaa la aaminsan
yahay dagaalkii lagu qaaday Guddoomiye Jawaari lagagana takhalusay inay
abaabushay xukuumadda oo weli ka cadhaysan go’aankii baarlamaanku ka gaadhay
kiiskii muwaadin Qalabidhagax. Kacdoonkii iyo gilgilashadii bulshada
Soomaaliyeed dhagaha ayay ka furaysteen, isla markaana waxay hoosta ka
abaabuleen kooxo kira ah oo faafiya been iyo dacaayado rakhiis ah sida a) Madaxwayne
Farmaajo waxba kama ogayn garbaduubkii Qalbidhagax, b) Qalbidhagax waa hal qof qaddiyaddiisana
danta qaranka ayaa ka wayn, iyo c) xukuumaddu way taag daran tahay waxayna ku
khasban tahay inay fuliso wax kasta oo ula muuqda inay ku raalli galin karto
Itoobiya. Markuu shaqsi siyaasi ah ama masuul bulshada magac ku leh ka hadlo
qaddiyadda Qalbidhagax waxay xukuumaddu ku eedaysaa inuu yahay dabadhilif ama
qaran dumis. Markii Qalbidhagax la soo daayay oo uu xorriyaddiisi dib u helyay
28 kii Juun 2018, waxaa magaca xukuumadda Soomaaliya ku hadlay safiirka Itoobiya
u fadhiya Muqdisho, isagoo sheegay in dawladda Soomaaliya ay kala hadashay Itoobiya
siidaynta Qalbidhagax.
Hase yeeshee Madaxwayne Farmaajo iyo xukuumaddiisa weli lagama hayo waxay ka mudnaayeen iyo jawaabihii ay ka sugayeen ummaadda Soomaaliyeed. Maxaa ku kallifay inay muwaaddin Soomaaliyeed gabboodfalka iyo ihaanada intaa le’ed kula kacaan? Maxay xukuumaddu ugu hoggaansami la’dahay dastuurka iyo shuruucda dalka? Maxay u dhayalsanaysaa dhawaaqa iyo dareenka waadaniyiinta? Maxay xukuumaddu uga garaabi la’dahay haddii uu gef dhacay? Madaxwayne Farmaajo ha xusuusnaado inaanay dhacayn in la illoobo qaddiyadan. Waxaa looga fadhiyaa inuu shacabkiisa hor yimaaddo oo uu ka garaabo wixii dhacay. Taasaa ku filan dadka intiisa badan. Weli waqti ayuu haystaa.
Comments
Post a Comment