Posts

Showing posts from April, 2023

MA FANTAA HOOYADEED FURUQ LOOGA DAWAYN?

 Mashruucaan shalay Foos Aan fagaare ku diidnay  Anaa maanta  firayne  Waa inaad fulisaan Adeerow laga fiican. In kastoo la fogaaday Lana sii kala fiigay In kastoo fir walaala Isku sii wada foofay Inkastoo nin fariida  Fulay loo garbaduubay In kastoo Fiqigii iyo Faalallow iyo tuug iyo Cayayaanka faduusha Isku meel fadhiyaanoo Wada foodhinayaan. Gob jabtoo kal faruuran In kastoo firdhadkeega Kii furdaamin lahaa Isagii fadhanaayo Meelna nooma fayoobiyo Doofaaraha ficilkoodiyo Adeerow wada foorar Farad noo noqon maayo. Dalka waa hal firaash Waa Soomaali firkood Al Furqaan ku tanaaday  Adigoo furahooda Iyo feermaba haysta Faras ay Abiy Jaahil Iyo Aala Fircoon Wada fuushan yihiin Ii fansaarada daa.  Adeerow dib u fiiri Waxa fayl Addis yaalla Madax saaran fudayd Iyo maanta furayso Ceeb waxay farahooda Iyo foodda dareen.  Adeerow falkis dawlad Marka lays fahmi waayo Farsamaa la tolaaye Walaalkaa ka fogow iyo Fayla-gooye la doono Adeerow dib u f