MA FANTAA HOOYADEED FURUQ LOOGA DAWAYN?

 Mashruucaan shalay Foos
Aan fagaare ku diidnay 
Anaa maanta  firayne 
Waa inaad fulisaan
Adeerow laga fiican.


In kastoo la fogaaday

Lana sii kala fiigay

In kastoo fir walaala

Isku sii wada foofay

Inkastoo nin fariida 

Fulay loo garbaduubay


In kastoo Fiqigii iyo

Faalallow iyo tuug iyo

Cayayaanka faduusha

Isku meel fadhiyaanoo

Wada foodhinayaan.


Gob jabtoo kal faruuran

In kastoo firdhadkeega

Kii furdaamin lahaa

Isagii fadhanaayo


Meelna nooma fayoobiyo

Doofaaraha ficilkoodiyo

Adeerow wada foorar

Farad noo noqon maayo.


Dalka waa hal firaash

Waa Soomaali firkood

Al Furqaan ku tanaaday 

Adigoo furahooda

Iyo feermaba haysta

Faras ay Abiy Jaahil

Iyo Aala Fircoon

Wada fuushan yihiin

Ii fansaarada daa. 


Adeerow dib u fiiri

Waxa fayl Addis yaalla

Madax saaran fudayd

Iyo maanta furayso

Ceeb waxay farahooda

Iyo foodda dareen. 


Adeerow falkis dawlad

Marka lays fahmi waayo

Farsamaa la tolaaye

Walaalkaa ka fogow iyo

Fayla-gooye la doono

Adeerow dib u fiiri 

Sida loogu fitnoobay

Talo aan laga fiirsan.


Falanqee Al Shabaab

Firqa baas iyo hoog

Yay ahayd fongortii

Foolatee nagu reebtay?

Ma fantaa hooyadeed

Furuq looga dawayn? 


Waxa aan fili caawa

Waa habeen fadligiisa

Kun billood la facaade 

Adeerow fuli dhaarta 

Aad Kitaabka Furqaan

Farahaaga u saartay.

Adeerow dalka fuundi 

Farsameeya ahow 

Adeerow dadka fiiro

Walaalaysa furdaami.


Adeerow mar ka fiirso 

Marna aad ugu u fiirso

Faracaad rari maanta

Meesha aad ku furayso.

Beerta aad fali maanta

Filan waa haka goosan.


© 2023Hassan Keynan


Comments

Popular posts from this blog

IS IT OROMIA OR ETHIOPIA OUT TO INVADE SOMALIA AND ANNEX SOMALI PORTS?

Niger River Warns ECOWAS Hawks

The First and Only President of Somalia