Posts

Showing posts from April, 2018

Soomaaliya: Qaran baadigoobaya qaacidda xukun (Governance Formula)

Hassan A. Keynan Soomaliya waa qaran baadigoobaya qaacidda xukun oo ay uga soo kaban karto qaran-jabkii ba’naa iyo jahawareerka siyaasadeed ee ragaadiyay. Habka xukun ee dalka ka jira waxaa saldhig u ah saddex nidaam oo ku kala abtirsada isirro iyo hiddooyin kala duwan aadna u kala fog: 1) qaaciddada  Afar iyo Bar (4.5 Formula) ee lagu guddomiyay Carta, Jabuuti sannadkii 2000, 2)  Dastuurka Ku-Meel Gaarka oo lagu soo allifay Nayroobi, Kenya, 2004tii, laguna ansixiyey Muqdisho, Soomaaliya,  bishii Agoosto  2012kii, iyo  Shareecada Islaamka. Afar iyo Bar  (A&B) waa qaaciddo awood qaybsi. Waxaa saldhig u ah abtirsiimo. Waxaa saamilay ka ah beelo lagu soo koobay afar beel iyo bar.    Afarta beel ee waawayn (clan family) waxaa loo qoondeeyay qaybo is le’eg. Beesha shanaadna waxaa loo gartay hal beel oo afarta beel ka mid ah intay heshay nuskeed. Qaaciddadan waa mid ku dhisan is-afgard iyo tijaabo ku salaysan is-ku-day iyo arag-hadday-shaqayso.  Afkaarteeda iyo axkaamteeda