Carro-Udug Ayaan Ahay

 

Carro-Udug ayaan ahay 

Kun tobnaad cadgooysiyo

Cal-Miskaad ayaan ahay

Cidla ma aha Buuruhu.


Waxaan caan ahaa beri

Casri aanay jirin dalal

Iyo caalam dawlada 

Carro-Udug ayaan ahay


Ciidaydu Shaam iyo

Lama aha Ciraaq deris

Calmiskaad ma aha Raqqa

Carro-Udug ayaan ahay.


Gacankaa Cadmeed iyo

Bad Cas iyo tan culusbaan

Cirka sare ka hagayaa

Waxaan ahay cirjiidh bari 

Ciidiyo dadkaygaan

Ka jiraa cadaawaha

Carro-Udug ayaan ahay.


Cirdigayga iyo maal

Ma galaan casuumaad

Dulli kuma cabiidsamo

Carro-Udug ayaan ahay.


Waa caymo diintuye

Rabbigoon cuskado iyo

Ma sahwiyo cibaadada

Carro-Udug ayaan ahay.


Gob cumaamadeediyo

Waan aqaan cisiyo sharaf

Cidna Kama abaal dhaco 

Carro-Udug ayaan ahay.


Dunidoo cammiran oo

Ladanoo cuddoonbaan

Dhinacayga ciidmaa.

Carro-Udug ayaan ahay.


Gogoshayda Caafiya

Waa caano iyo nabad

Dharaartay cakirantana

Waxaan ahay cal iyo bado

Cirka iyo dhulkaan ahay

Iyo lama ciriirshaan. 

Darka soo cartamayow

Ma wadaagno ciiddee

Haygu soo carraabina.

Carro-Udug ayaan ahay.


Magacaygu waa curad 

Cimrigaygu waa jira

Calankayga buuraha

Calmiskaad ayaa sida

Xorriyaa u ciidana

Carro-Udug ayaan ahay.


© 2025 Hassan Keynan


Comments

Popular posts from this blog

NECESSITY AND DUTY MAY COMPEL PUNTLAND STATE TO ASSUME AN OFFICIAL ROLE IN FOREIGN POLICY

I Dream of Becoming A King (A Poem)