DADAB-GALKII SIYAASADEED EE JIGJIGA IYO MUATAQBALKA JABUUTI
“Annagu odayga (Abiy) ayaan daba soconaynaa.”
Waa erayadii taariikhda gaalay ee ka guntamay dadabgalkii siyaasadeed ee Jigjiga dhammaadkii bishii hore. Madaxwaynha Dawladda Jabuuti weligii qaddiyad Soomaaliyeed irbad dun uma galin. Haddana loogama fadhiyo. Laakiin Adan Faarax oo taariikhdiisa la garanayo inuu la maqaam noqo, meel ka hoosaysa ardaayada ihaanada inay jirto u malayn maayo. Burrusyada kale ee OPDO ay kala wareegtay gawracatadii ka horraysay iyagu way ka sii liitaan.
Xasan Sheikh Maxamud isagu qushigiisa. Waa cunsur duruufaha la nool siduu isaguba sheegay. Ballan, ammaano iyo run midkoodna laguma baran. Laakiin, Soomaali xor ah ayaa ka dambaysa oo la xisaabtami. Goor ay noqotaba.
Xaaladaha ka oogan Geeska Africa waxay u baahan yihiin fikir, diyaar garow, iyo hawl ka badan in wiilka Oromada ah ee qooqan dhabarkiisa lagu dhuunto.
Waajibka koobaad ee Madaxwayne IOG waa inuu badbaadiyo dawladnimada Jabuuti. Gudashada waajibkaa waxaa ugu horreeya in Jabuuti ay fahamto juquraafigeega. Iyo qawaacidda iyo loollanka degaan, dad, khayraad, qaran, dawlad iyo xadaarad ee Geeska Africa. Meeshii danteedu ku jirtana ay abaarto kuna kalsoonaato.
Soomaalidu badankeeda wanaag iyo khayr ayay la jecel yihiin una rajaynayaan Jabuuti. Laakiin, cidna ka yeeli mayso inay milkido siday doontana ka yeesho qaddiyado masiiri ah oo ka fac wayn kana shisheeya.
Comments
Post a Comment