GUUSHA ABIY JAAHIL LAGA BARYAYO MUUSE BIIXI AYAA HAYA IYADAOO LABA JIBBAARAN




Caqliga Abiy Jaahil daba ordaya ee baryo iyo wax walba ayaan kuu ogolnahay la daba taagan ee Madaxwayne Muuse Biixi ihaanaynaya da’da siyaasadda ma qaangaadhin. Waa uufannays indha hoose ku eega qaddiyad ka wayn kana sarraysa. 

Madaxwayne Muuse Biixi oo isfahamka ka noqdo ayaa ah guul laba jibbaaran: tan Abiy laga rabo iyo mid ka sii wayn. Way dhici kartaa Muuse inaanu oggolaan haddii taladaa loo soo jeediyo. Laakiin xurmada Abiy Jaahil lagu marriimayo iyo na fahamta lala daba taagan yahay in Madaxwayne Muuse loo quudhi waayo, waa dullinimo kan yeelana wuu ka sii daran yahay.

Muuse Biixi waa siyaasiga ugu waayaaragsan ee saaxadda siyaasadda ku jira. Awliyo ma aha. Laakiin Cali Maxamad Geedi ayaa ka waddanisan, maxkamad saaraya, qaadi iyo qareen u noqonaya, ugu dambayntiina xukun ku ridaya, waxay muujinaysaa in gaasira la taagan yahay. 

Caasimadaha dalalka dersika ah waxaa yaalla faylal ay ku daabacan yihiin dhagar iyo khiyaano ay qaranka Soomaaliyeed kula kaceen masuuliyin ay ku jiraan ugu yaraan laba Madaxwayne hore oo nool. 

Madaxtooyada Muqdisho ayaa lagu allifay qorshaha ah in Itoobiya wax laga siiyo dakadaha dalka ciidamadeedana ay ilaaliyaan. Imaamkii Masaajidka Madaxdooyada ayaa fatwo hambaabir ku Xalaaleeyay isagoo yidhi go’aanka madaxda kitaabka ayaa ina faraya in la adeeco ciddii ka hortimaadana Diinta Furqaan ayay khilaaftay. Idaacadda Qaranka ayaa laga siidaayay. Waa taariikh aan horay u dhicin.

Qaran iyo ummad meeshii looga talinayay laga rogayo.

Allaha Qaadiree Qumin Jiraa Caymin.

Comments

Popular posts from this blog

IS IT OROMIA OR ETHIOPIA OUT TO INVADE SOMALIA AND ANNEX SOMALI PORTS?

Niger River Warns ECOWAS Hawks

The First and Only President of Somalia