DABAQADDA SIYAASADDA WAY WADA XUJAYSAN YIHIIN


Khilaafyada ka dhex oogan Somalida Xorta ah waxaa inta badan masuul ka ah dabaqadda siyaasadda oo ku guul darraysatay inay yagleelaan qaacidda xukun iyo nidaam dawladeed oo u qalma ummadda Soomaaliyeed. Siyaasi doonayo inuu xukumo dal iyo dad aanu fahamsanayn ama danaynayn ayaa lagu salliday Soomaali. 

Maanta waxay maraysaa cadawga Soomaali waa Soomaali. Madax shacabkoodi ku eedaynaya qabiil iyagana wata waxna ku qaybsada 4.5. Madax abtirsiinyahooda Google ku qora dadka ay xukummana la hortaagan Qabiil waa qudhun. Siyaasiyiin iyo madax danaha masiiriga ah iyo siraha qaranka kula sheekaysta kulana gorgortama shisheeye kuwa ugu cadawsan. Shacabkoodiina ka qarinaya. Madax iyo siyaasiyiin shacab ay xukumaan ku dacwaynaya shisheeye kuna soo hoggaaminaya cadaw aan u diir naxayn. 

Madax iyo siyaasiyiin ummadda Soomaaliyeed waxay haysteen, waxay ahaayeen iyo karaamaday lahayeen ka dumiyay ama saylada dunida ka baayaca. Wixii ka maqnaa ee ay tabayeenna aanan ku soo kordhin. Madax iyo siyaasiyiin toban dastuur oo aan is qaban oo wada qabya ah doonaya inay ku xukumaan dal iyo dad aanay gacan ku haynin. Madax iyo siyaasiyiin shisheeyaha isku duuba oo yidhaa walaalaa nahay. Walaalkii dhabta ahaana doonaya inuu Soomaalinnimada ka saaro. Madax iyo siyaasiyiin cidda keliya ee ay dagi karaan, bahdili karaan, ama ay dili karaan ay yihiin dadkooda kuwooda dan yarta ah.


Caqliga noocan ah iyo xisaabta noocan ah cidna kuma badbaadayso. 


Siyaasiga qablamayow aduu

Eeday qarankiiye

Xilkaad qaaday adiga gaboo

Aayihii qubaye

Dadkayaga quruumaha jiraa

Uma qab liitaane 

Allah qabay adigu haw gumayn 

Samale qayrkeeda

Adoo qaawan Soomaali goba 

Ceeb ha qabadsiinin.


Hassan Keynan

Comments

Popular posts from this blog

IS IT OROMIA OR ETHIOPIA OUT TO INVADE SOMALIA AND ANNEX SOMALI PORTS?

Niger River Warns ECOWAS Hawks

The First and Only President of Somalia