Xil Ma Dhibe Miyaa Maanta Yimid Golihii Xeerbeegta?
Mohamed Mursal Sh. Abdirahman, Afhayeenkii Baarlamaanka 10aad |
Xil ma dhibe miyaa maanta yimid
Golihii xeer beegta?
Xurmadee Dastuurkiyo ninkii
Xeeri laga waayay
Miyaa maanta xeradii sharciga
Hano u soo xaytay?
Xukun laguma waree ninkii
Jebiyay xeerkiisa,
Xilligii muddaysnaa ninkii
Geliyay xeelaysi
Ee yidhi kursigu waa xaraash
Xooxsi iyo dheeman
Xalaaleeyay kii shalay lahaa
Laba sanoo xoog ah
Miyaa maanta xiisaynayoo
Xorriyo soo doonay?
Xildhibaanayaalow siduu
Xaalku yahay maanta?
Xil ma gayo ninkaa idin hor yimid
Xeerna ma ilaasho!
Ku xammaalo mooyee golaha
Uma ahayn xaakim.
Xagal daaci mooyee sharciga
Xooji kuma taamin.
Ninka maanta xusul duubayee
Xalane aad mooddo
Ee raba in loo xulo mar kale
Shalay xilkuu iibshay
Xildhibaanayaalow siduu
Idiinla xaajooday?
Miyaydaan xusuusnayn kal hore
Xamar wixii gaadhay?
Xasrad iyo wuxuu dhiillo falay
Qaran xajiimeeye?
Haddaan lala xisaabtamin kuwii
Xarigga loo dhiibtay
Kuwii ina xukumayee haddana
Naga xishoon waayay
Xilka qaranka nimankii ka dhigay
Xadiyo xuuraanshe
Xalay dhalay hadduu maanta yahay
Shalay xabaaleeye
Xildhibaanayaalow Sidee
Looga bixi xiinka?
Xasan Keynan
Comments
Post a Comment