Garbaduubkii Muwaadin Qalbidhagax: Laba Sano ayaa ka soo wareegay, welina Garsoor ma helin lagamana Garaabin
Maanta, 28 Agoosto 2019, waa
sanadguuradii 2aad ee Garbaduubkii Muwadin Qalbidhagax. Laakiin dhacdadaa
naadirka ahayd saskii laga qaaday iyo mahadhooyinkay reebtay weli way ku taagan
yihiin dadka Soomaaliyeed. Qisada Qalbidhagax waxay noqotay mid ka
gudawayn kana shishaysa duruufaha iyo waayaha hal muwaaddin. Waxay u
xuubsiibatay qaddiyad ummadeed oo ku guntan dareenka, quluubta iyo waayaha
danwadaagta qaranka Soomaaliyeed. Sidaa darted waa lagama marmaan in la xuso
wixii dhacay laba sano ka hor, la is xusuusiyo in qisada muwaadin Qalbidhagax
ay tahay sheeko qaran oo guri walba iyo gole walba khusaysa, la is kana
waraysto su’aalaha weli ka oogan.
Garbaduubkii iyo dhiibistii
muwaadin Qalbidhagax
Madaxwayne Farmaajo, RW
Kheyre, ku-xigeenkiisa ayaa 23kii Agoosto 2017 amray gawracato iyaga u adeega
inay soo garbaduubaan muwadin Qalbidhagax isagoo ku sugan hoteel uu ka dagganaa
magaalada Gaalkacyo. Dayuurad khaas ah ayaa Muqdisho lagu keenya saddex
maalmood ka dib, isagoo jeebaysan oo macawis iyo garan qaba. 28dii Agoosto ayaa
godkii lagu hayay oo madaxtooyada ku garab yaalla laga soo saaray. ‘War ninka
indhaha ka xira, war ninka indhaha ka xira,’ ayuu amar ku bixiyay taliyihii
hawsha maamualayay. Isagoo indhaha ka xidhan ayaa garoonaka caalamiga ah ee
Adan Cadde la geeyay waxaan loo gacan galiyay ciidamo Itoobiyaan oo markiiba u
duuliyay Baydhaba dabeedna Godey, Dire Dawa, Debra Zeit, ugu dambayna Addis
Ababa.
Gawricii iyo nolol xabaalkii
muwaadin Qalbidhagax
Hadday 28kii Agoosto ahayd
maalin daran oo ay ummadda Soomaaliyeed sas ba’an ka qaadeen, 6dii Siteember
ayaa noqotay maalin ka sii daran. Waa maalintii Golaha Wasiirrada shir aan
caadi ahayn oo degdega loogu yeedhay ayna soo sareen go’aannadii beenta iyo
dhagarta badnaa ee ay sida fudud oo durdurada ah ugu nolol xabaaleen
muwaadinkii toban maalmood ka hor u garbaduubeen Itoobiya. Saacad gudaheed ayay
muwaadin Qalbidhagax uga xayuubiyay astaamaha, xuquuqaha iyo hiddaha saldhigga
u ah jiritaanka iyo karaamada waddaniga: isir, xorriyo, qaran, magac, amni,
caddaalad. Tirada intaa le’eg miisaankaana leh ayaan u kala hadhin waxna aan
iska waydiin jariimadan. Dastuurka iyo shurrucda dalka iyo dawladda ma xakamayn
waxay ku faleen muwaadinka. Xilka iyo waajibaadka wasiir walba saaran kuma
tixgalin. Masiir qarannimo uguma gurman. Isir iyo magac Soomaaliyeed uguma
hiilin. Xeer iyo tolnimo ugama xishoon. Islaannimo iyo Alla ka cabsi ugama
dhawrsan. Dareen baniiaadamna uguma damqan. Iyagaa soo xidhay,
iyagaa maxkamadeeyay, iyagaana daldalaad ku riday. Hal wasiirad, Dr.
Maryan Qasim, ayaa ka hortimid aadna uga gilgilatay garbaduubkii muwaadin
Qalbidhagax. Labana wasiirna way ka aamuseen.
Kacdoonkii ka dhashay
garbaduubkii muwaadin Qalbidhagax
28 kii Agoosto iyo 6dii
Siteembar 2017 waxay ahaayeen kuwo taariikhda qaranka Soomaaliyeed ugu xusan
maalmo madaw, maalmo ceebeed. Ummaddii Soomaaliyeed waxaa ku dhacay sas, argaggax
iyo jahawareer. Waxaa ku habsaday masiibo ku noqotay filan waa, qaadan waa.
Xeer iyo xudduud kasta oo lagu asturnaa waa lakala tuuray. Xadgudubka baaxadda
leh in lagula kaco qof muwaadin ah, Caasimaddii qarankana laga abaabulo lagana
fuliyo, xukuumad Soomaaliyeedna ay horseed ka tahay waxay noqotay dhacdo
dhabannohays iyo mahadho ku reebtay Soomaalida. Arrintan waxay damaqday
dareenka, xasaasiyaadka, iyo hiddaha walaaleeyay oo mideeyay isirka Soomaalida,
kana dhigay danwadaag iyo qaran leh magac, dano, saado, iyo masiir aan kala
go’in, kala qaybsamin, kalana maarmin. Boqollaal kun oo dalka iyo dunida
dacalladeed kala jooga ayaa mar qudha ka kacay kana gilgishay, cod dheer iyo
ficilba, gabboodfalka iyo ihaanooyinka ay xukuumd Soomaaliyeed kula kacday muwaadin
Soomaaliyeed. Malaayin ayaa dareenkooda ku muujiyay xamaasad iyo taageero
niyadda ah. Bannaan baxyo, doodo, shirar, maqaallo, waraysiyo, muxaadarooyin,
iyo farriimo iyo xogo goos goos ah oo qabsaday mareegaha internetka iyo baraha
bulshada ayaa si isdaba jooga oo qiiro leh u dhacay. Malaayiin Soomaali ah aan
hore u maqal magaca muwaadin Qalbidhagax ayaa isku bartay kuna baraarugay
qaddiyadda Qalbidhagax. Qaddiyadda muwaadin Qalbidhagax waxay kicisay mowjado
iyo shucuur wadaninimo iyo dareen qarannim oo aan dhawaan lagu arag waayaha
Soomaaliyeed. Xukuumadda Madaxwayne Farmaajona waxay ku wayday kalsoonidii iyo
taageeradii shacabka.
Go’aammadii iyo jawaabihii
Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo
Dhaqanka iyo dabeecadaha lagu
bartay Madxwayne Farmaajo iyo xukuumaddisu waxay ku salaysan yihiin
ismoogaysiin, aamusnaan, been, dafiraad, raadgadsho, dabamaryayn, sir, dhagar,
musuqmaasuq, hawgallo qarsoodi ah, abaabul iyo maalgalin kooxo dacaayad iyo
barabagaan afuufa, isla wayni, awood sheegasho, iyo xadgudubyo ka dhan ah
dastuurka iyo shuruucda dalka. Xukuumadda Farmaajo Garbaduubka muwaadin
Qalbidahagax waxay u abaabushay una fulisay si qarsoodi. Markii la waydiiyay
way dafirtay. Markay odayaal iyo waxgarad Soomaaliyeed u tageen Farmaajo kana
codsadeen inaan Muwaadin Qalbidhagax loo dhiibin Itoobiya, wuu meermeeriyay ugu
dambayntiina been ayuu u sheegay. Markay Itoobiyay qarxisay sirtoodi, Farmaajo
iyo Khaire waxay maleegeen shirqookii 6dii Siteembar. Dembi ay galeen koox yar
ayaa loo rogay mu’aamaro iyo dakane ay ka dambeeyeen xubnaha golaha wasiirrada
dhammaantood. Dadaalladii baarlamaanka waxay xukuumaddu ku bixisay kharash
badan si ay u kala daadiso, iyadoo adeegsanaysa xubno kamida baarlamaanka oo ay
gacan saar hoose leeyihiin.
Go’aannaddi taariikhiga ahaa ee
barlamaanka Farmaajo iyo Khaire waxay la wajaheen cadho, kibir iyo isla wayni.
Waxaa la aaminsan yahay dagaalkii lagu qaaday Guddoomiye Jawaari lagagana
takhalusay inay abaabushay xukuumadda oo weli ka cadhaysan go’aankii
baarlamaanku ka gaadhay kiiskii muwaadin Qalabidhagax. Kacdoonkii iyo
gilgilashadii bulshada Soomaaliyeed dhagaha ayay ka furaysteen, isla markaana
waxay hoosta ka abaabuleen kooxo kira ah oo faafiya been iyo dacaayado rakhiis
ah. Markii Qalbidhagax la soo daayay oo uu xorriyaddiisi dib u helyay 28 kii
Juun 2018, waxaa magaca xukuumadda Soomaaliya ku hadlay safiirka Itoobiya u
fadhiya Muqdisho, isagoo sheegay in dawladda Soomaaliya ay kala hadashay
Itoobiya siidaynta Qalbidhagax.
Su’aalaha Weli Taagan
Hase yeeshee Madaxwayne Farmaajo iyo
xukuumaddiisa weli lagama hayo waxay ka mudnaayeen iyo jawaabihii ay ka
sugayeen ummaadda Soomaaliyeed. Maxaa ku kallifay inay muwaaddin Soomaaliyeed
gabboodfalka iyo ihaanada intaa le’eg kula kacaan? Maxay xukuumaddu ugu
hoggaansami la’dahay dastuurka iyo shuruucda dalka? Maxay u dhayalsanaysaa
dhawaaqa iyo dareenka waadaniyiinta? Maxay xukuumaddu uga garaabi la’dahay
haddii uu gef dhacay? Madaxwayne Farmaajo ha xusuusnaado inaanay
dhacayn in la illoobo qaddiyadan. Waxaa looga fadhiyaa inuu shacabkiisa hor
yimaaddo oo uu ka garaabo wixii dhacay. Taasaa ku filan dadka intiisa badan.
Weli waqti ayuu haystaa.
Comments
Post a Comment