Posts

Showing posts from February, 2026

DADAB-GALKII SIYAASADEED EE JIGJIGA IYO MUATAQBALKA JABUUTI

“ Annagu odayga (Abiy) ayaan daba soconaynaa.”  Waa erayadii taariikhda gaalay ee ka guntamay dadabgalkii siyaasadeed ee Jigjiga dhammaadkii bishii hore. Madaxwaynha Dawladda Jabuuti weligii qaddiyad Soomaaliyeed irbad dun uma galin. Haddana loogama fadhiyo. Laakiin Adan Faarax oo taariikhdiisa la garanayo inuu la maqaam noqo, meel ka hoosaysa ardaayada ihaanada inay jirto u malayn maayo. Burrusyada kale ee OPDO ay kala wareegtay gawracatadii ka horraysay iyagu way ka sii liitaan. Xasan Sheikh Maxamud isagu qushigiisa. Waa cunsur duruufaha la nool siduu isaguba sheegay. Ballan, ammaano iyo run midkoodna laguma baran. Laakiin, Soomaali xor ah ayaa ka dambaysa oo la xisaabtami. Goor ay noqotaba.  Xaaladaha ka oogan Geeska Africa waxay u baahan yihiin fikir, diyaar garow, iyo hawl ka badan in wiilka Oromada ah ee qooqan dhabarkiisa lagu dhuunto.  Waajibka koobaad ee Madaxwayne IOG waa inuu badbaadiyo dawladnimada Jabuuti. Gudashada waajibkaa waxaa ugu horreeya in Jabuuti ay ...

Waddo Halaq Nin Moog Baa Waaby Ka Leefa: Xasan Sheikh Maxamud, Jabuuti, Jigjiga iyo Midowga Afrika

“R.W. Abiy Axmed ayaa Soomali midayn doonaa. Waddani kasta oo Soomaali ahna waxaa la gudboon inuu u mahad celiyo Abiy Axmed.” Jabuuti ayay ahayd iyo Shirkii Machadka Heritage meeshii ugu horraysay ee laga baahiyay hadalkan ihaanada iyo xeer gudubka ku ah taariikhda iyo masiirka isirka Soomaalida. Masuuliyiin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo boqollaal miiddii Soomaali ah ayaa ku kulansanaa goobtaa. Saddex sano ka kor, 2016, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Jigjiga u gurguurtay isagoo Madaxwaynaha Soomaaliya ah. Halkaa ayuu ka soo xambaartay Malafka Xabashiyaynta qaddiyadda guunka ah ee Soomaalida Geeska Africa iyo Dawladnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Feberaayo 2024, Isla isagii ay Addis Ababa ka soo dhexmuuqday isagoo dullaysan oo hoganaya. “Itoobiya ayaa igu xabbistay Hoteelkii aan degganaa oo ii diidday inaan ka qaybgalo Shirka Madaxwaynayaasha Midowga Afrika. Madaxwaynaha Jabuuti ayaa I soo badbaadiyay,” isagoo ku ooyaya ayaa warbaahinta laga daawaday. 30kii Janaayo 2026...