HOGGAANKA IYO XUKUUMADDA DAWLAD DEGAANKA SOOMAALIDA: FLANQAYN IYO TALOOYIN
Hassan Keynan
Lix bilood ayuu Madaxwayne yahay Mudane Mustafa Maxamad Cumar.
Xukuumaddiisuna intaa way ka da’ yartahay. Hase yeeshee waxaa durba dhan walba
kaga imanaya hadallo iyo qoraallo diiradda saaraya hoggaamintiisa shaqsiga ah
iyo wax-qabadka xukuumaddiisa. Shaki igagama jiro in dad badani ay dooddoodu ka
imanayso dareen iyo aragti ugu muuqda wanaag. Qaar waxay saran yihiin baalasha
xawaaraha dheer ee xamaasadda iyo caadhifada, mana aha wax lala yaabo marka aad
eegto wixii la soo maray iyo waaqiciga maanta. Waxaa iyagana jira ashkhaas iyo
kooxo dana gaara, intooda badanna gurracan, guntiga iyo boorsooyin kula
wareegaya.
Mabda’ ahaan waa wax wanaagsan in madaxda iyo
xukuumadaha la qiimeeyo lalana xisaabtamo.
Waa arrin aanu muran badan ka jirin qayb muhim ahna ka ah hal-abuurka
iyo hiddaha maamul iyo tan hogaamineed ee dalalka horumar wayn ka gaadhay
dawladnimada iyo dimoqraadiyadda. Laakin waxaa aad loogu kala duwan yahay habka
loo wajaho qiimayntaa, ujeeddada laga leeyahay, halka ay daarran tahay, inay
tahay mid xog sugan iyo maskax furan ku
salaysan, cidda dabada ka riixaysa, iyo xattaa waqtiga la samaynayo.
Haddaba siday wax u jiraan? Maxaa dhaba?
Maxaa dhiman? Maxaa surra gal ah? Waxaan akhristayaasha la wadaagayaa siday wax
iigu muuqdaan.
Intaan ka aqaan Madaxwayne Mustafa
Waxaan Mustafa markii iigu horraysay ku
kulannay Xarunta Jamciyadda Quruumaha Middobay ee Nairobi (United Nations
Office in Nairobi) halkaaso aan kawada shaqaynaynay labadnaduba 2013-2015.
Waxaa ii xigay horraantii 2018 oo uu ku mashquulsana yagleelidda ururuka
Isbahaysiga Caddaaladda ee Degaanka Soomaaliyeed (Somali Region Alliance for
Justice –SRAJ). Waan uga mahad celinayaa inuu ila wadaagay aratiga iyo ahdaafta
ururka SRAJ sidaan u arkana uu wax iga waydiiyay. Horraantii Agoosto 2018 ayaan
ka warhelay in laga dhigay Madaxwaynaha Dawlada Degaanka Soomaalida. Intaa
wixii ka dambeeyay wixii uu isagu ku hadlo iyo waxa laga yidhaa hogaamintiisa
iyo xukuumaddisa ayaan dusha kala socday.
Dhowrkan astaamood ayaan ku soo koobayaa
intaan ka aqaan Mudane Musatafa:
1.
Waa shaqsi
dadaal badan oo aan ka daalin waxaa uu ku hawlan yahay. Matoor culus oo 24ka
saac shidan ayaa saaran.
2.
Waa shaqsi
ku dhiirran oo aan la gabban dareenkiisa, afkaartiisa, iyo waxaa uu aaminsan
yahay.
3.
Waa shaqsi hankiisa
siyaasadeed uu wayn yahay, meelo sarena higsanaya.
4.
Was shaqsi
xiriir dhaw lala haa Itoobiyaanka kale.
Waxaan xusuustaa isagoo inta badan la socda ama la shaahaya Itoobiyaanka ka shaqaynayay
Xarunta UNka Nairobi, inta bandanna af Amxaari ku sheekaysanaya. Waxaa jirtay
maalin aan isku dayay inaan eray af Amxaari ah ku dhaho ruux ka mid ah dadkii
ay isla shaahayeen. Intuu ii soo dhawaaday ayuu igu yidhi, “sidaa looma dhehee,
saa dheh.”
Astaamahan qof ba dhan ayuu iska taagi
karaan. Siyaabo kala duwanna waa loo fasiri karaa. Anigu intaba iigu muuqdaan
wax qof siyaasi ah lagu dhalliili karo. Gaar ahaan arrinta ku saabsan xiriirka
uu la leeyahay Itoobiyaanla af Axmaariga ku hadla, anigu waxaan u arkaa arrin
muhim ah, kaalin culusna ka gali karta ciyaarta iyo loollanka siyaasadeed ee
Itoobiya ka jira. Ugu dambayn, Mustafa waa aadami, waa siyaasi hanwayn, waana
nin dhallinyaro ah oo aad u dhiirran. Khalad wuu gali karaa, gefna wuu ka dhici
karaa. Taa aadamiga kale iyo siyaasiyiinta kale ayuu kala mid yahay.
Qiimayn hoggaanka iyo xukuumada Madaxwayne Mustafa
Qoraallada iyo hadallada ku wajahan qiimaynta
Madaxwayne Mustafa iyo xukuumaddisu waxay inta badan diiradda saaraan meelo
badan. Inta ugu muhimsan aan mid mid uu eegno.
Mustafa
Jagada waa loo Magacaabay: Wali waxaa jira xogo badan oo inaga dahsoon.
Laakiin waa xaqiiq in Mustafa aanu jagada Madaxwaynanimda ku imaan doorasho iyo
rabitaanka shacbiga dawlad Degaanka Soomaalida. Hase yeeshee, dadka Mustafa
arrintan eed uga dhigaya, waxaa habboon in lala sii wado su’aalaha ee aan
halkaa lagaga hadhin. Itoobiya waxay jirtay 129 sannadood. Intaan ogahay 1992dii
oo keliya ayay doorashao la oran karo waa xor iyo caddaalad waddanka ka
dhacday. Waa tii lagu doortay AUN Madaxwayne Cabdullaahi Sacdi. Inta kale hadba
xukuumadda Addis Ababa ka jirta ayaa soo caleema saari jirtay. Haddba, sidee buu
ku iman karay Madaxwayne la soo doorto, mar haddii hiddaha iyo hab-dhaqanka
siyaasadeed ee Itoobiya aanu ahayn mid xorriyad iyo dimoqraadiyad ku dhisan?
Miyaynu lahayn awood ku khasabta xukuumadda Addis Ababa in doorasha xor ah la
qabto? Haddaan Mustafa la keenin, miyaynu hubnaa shaqsiga kale ee la keeni
lahaa iyo wuxuu la iman lahaa? Intaa
waxaa dheer, xukuumadda R.W Abiy Ahmed way ka yara duwan tahay xukuumadihii
hore oo waxay la timid furfurnaan iyo isbeddel, in kastoo ilaa imminka aan la
saadaalin karin halka uu geeddigu saldhigi. Haddaba mar hadduu xaalku sidaa
yahay, waxaa habbon inaan lagu mashquulin siduu Mustafa ku yimid iyo cidda
keentay, ee la fiiriyo laguna qiimeeyo sida uu u dhaqmo iyo waxa uu qabto ama
uu bi’iyo.
Somaali
Vs Itoobiyaan: Doodaha
Madaxwayne Mustafa ku dhalliilaya ama ku ammaanaya halbeegga ah yaa Soomaali ah
iyo yaa Itoobiyaan ah, run ahaantii waa kuwo la yaab leh, xaaladda dhabta ah
iyo waaqiciga maantana daah kaga gudban yahay. Soomaalinimadu waa isir iyo dan
wadaag soo jirtay ugu yaraan shan qarni. Waxaynu ka dhaxalnay awowyadeen iyo
ayeeyooyinkeen. Waxay tolaysaa dhammaan Soomalida degta geeska Afrika.
Difaaceedu waa waajib saaran dhammaan inta ku abtirsata isirka Soomaali.
Laakiin xaqiiqdu waxay tahay difaaca isirka iyo midnimada Soomaaliyeed waligeed
Soomaali uma sinnayn si wada jir ahna uguma wada gurman. Soomalida uu maanta Mustafa Madaxwaynaha u yahay
cidna ugama badsan difaaca qaranka Soomaaliyeed, qiima aad u culus oo aan la
qiyaasi karin ayuuna ugu kacay. Walaalaha Soomaaliyeed ee Jabuuti, Hargaysa,
Garowe, Beledwayne, Muqdiso iyo Baydhaba ka soo garbaduubayay naftood hurayaashii
JWXO iyo taageerayaalkeedii ee u dhiibay gawracatadii TPLF, ayaa tolnimadii iyo danwadaagnimadii
Soomaaliyeed ka dhigay guri hoosta doofaar qotoo dawacooyin ku caweeyaan. Waxaa ugu dambaysay garbaduubkii Muwaadin
Qalbidhagax. Dabaqabashadeedu iyo dib-u-yagleelideedu waxay u baahanyihiin
halgan la mida kii Daraawiishta iyo kii SYL. Musuuliyadda koobaad ee Madaxwayne
Mustafa waa badbaadinta shacabka la moora duugay mus walbana loogu jiro ee
Dawlad Degaanka Soomaaliyeed.
Jinsiyad (citizen) waa fikrad la timid
nidaamka dawladeed (state system) ee laga dhaxlay Europe addunkana halbeeg u
noqtay. Waa waxa Soomaalida Jabuuti ka
dhigay Jabuutiyaan, Soomaalida ku dhexjira xudduudaha Kenyana ka dhigay
muwaadiniin Keenyaan ah. Soomaalida ku dhexjirta xudduudaha Itoobiya waxba kuma
jabna inay noqdaan muwaadiniin Itoobiyaan ah isirkooduna Soomaali yahay. Laba
is diidaysa ma aha. Anigu tayda haddii la maqlayo waxaan dhihi lahaa Af Axmaari
iyo Afaana Oromo laduba dadku ha wada bartaan, iyadoo Af Soomaaliguna uu yahay
saldhigga. Isbeddel wuu iman karaa mustaqbalka. Marka la gaaro xilli ay shacabka
Dawlad Degaanka Soomaalida xoog ama xeel ay ku sugaan aaya ka tashigooda, way
awoodi karaan inay yeeshaan dhalasho iyo jinsiyad isku mida oo labaduba
Soomaaliya.
Dagaalka
u dhexeeya Oromo iyo Somali: Xasaradaha ka dhex oogan Oromo iyo Soomaali
waa kuwo wajiyo badan leh. Muhimadda koobaad waxaa weeye in Madaxwayne Mustafa
iyo xukuumaddiisu ay kala shaqeeyaan Addis Ababa iyo Adama sidii nabad iyo xal
waara loogu soo dabbaali lahaa goobaha colaaduhu hareeyeen. Inta aan ogahay
dadaal kuma yara Mudane Mustafa iyo Xukuumaddisa, waxna ma hagranayaan. Welise
xaaladdu way cakiran tahay. Dan uguma jirto Soomaali colaad iyo dagaal joogta
ah oo ka dhex oognaada iyaga iyo qowmiyadda Oromada. Oromana dan uguma jirto. Isbeddelka
Itoobiya ka dhacay wuxuu Oromada siiyay fursad aanay waligood helin, qaar badan
oo iyaga ka mid ahna way jilbaysan yihiin, degdeg iyo xamaasad ba’aan ayaana
haya. Waxaana maanta gacanta ugu jira awooddii iyo dhaqaalihii Itoobiya. Caqli
ma aha in Mustaf iyo xukuumaddisa laga filo inay xasaradaha jira bansiin ku sii
shubaan meel walba iyo marwalbana la taagnaadaan qaylo-dhaan iyo dhaleecayn
Oromo ku wajahan. Siyaasad bisil iyo dibloomaasiyad xeeldheer ayaa ka halisan
dagaal ku salaysan xamaasad iyo laablakac. Inta wax garanaysa waxaa la habboon
inay ka fikiraan sidii labadan qowmiyadood ay isu kaashan lahaayeen. Waana
arrin suura gal ah haddii laga wada shaqeeyo.
Heshiiskii Dawladda Itoobiya iyo
Ururka JWXO (ONLF): Inta la
ogyahay Madaxwayne Mustafa kaalin wayn oo geesinnimo leh ayuu ka qaatay dhamaystirkii
heshiiskii hordhaca ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo JWXO. Waqtigii iyo
duruufihii uu heshiisku ku dhacay waxay ahaayeen kuwo adag una baahan aragti
fog iyo maarayn huffan. Intii JWXO ay dalka ku soo noqotayna, waxaa abuurmay si
ula kac ahna looga shaqeeyay xaalado abuuri kara kala shaki iyo isku dhac keeni
kara haliso badan. Xaaladaha weli way jiraan. Wixii ka dambeeyay isk hor
imaadkii hubaysnaa ee dhex maray OLF iyo Xukuumada RW Abiy Ahmed-na, arrimuhu
aad ayay u sii murgeen. Ilaa iyo hadda Madaxwayne Mustafa kaalin lama illobaan
ah ayuu ka qaatay in aanay arrintu faraha ka bixin. Run ahaantii waa arrin
mudan in Muastafa lagu bogaadiyo laguna taageero.
Gunaanad
Itoobiya guud ahaan iyo Dawlad Degaanka
Soomaalida waxay ku jiraan xaalad kala guur ah. Saan saan iyo rajooyin wacan oo
badan ayaa muuqda. Laakiin isbeddelka socda wali ma saldhigan, laman hubi karo
say wax noqon mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.
Waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa:
Arag sawirka
wayn: 129kii sano ee la soo dhaafay Itoobiya waxaa soo maray madax kala
duwan oo ku abtirsada hiddooyin iyo hab-dhaqan siyaasadeed oo aad ukala fog.
Menelik wuxuu ahaa dagaal ooge mala awaalbadan. Haile Selassie wuxuu la baxay
Boqorkii Boqorrada. Mengistuu wuxuu ahaa seef la bood ku khafiifay kacaannimo
iyo hantiwadaag. Meles Zenawi wuxuu ahaa dhagar qabe islawayn. Hailemariam
Desalegn wuxxu ahaa dhabadhilif iyo dhaan raac. Hase yeeshee intuba waxay ka
sinnaayeen hal arrin: In isirka Soomaaliga ah uu halis ky yahay jiritaanka
Itoobiya. Hoggaamintooda iyo xukuumadahoodana fikirkan ayaa saldhiga u ahaa. Natiijaduna
waxay noqotay dagaal, kali talisnimo, burbur iyo dib-udhac saameeyay Itoobiyaanka
iyo Soomaalida labduba. Isbdeelka dhacay ee uu hormuud ka yahay R.W Abiy Ahmed
waxaa ka abuurmi kartaa fursad keeni karta in fikirkaa halista ah uu is beddel
ku yimaaddo. Madaxwayne Mustafa iyo xukuumaddiisu waa inayna oggolaanin in lagu
qadaanqadiyo xaalado abuuri kara isku dhac Addis Ababa iyo dawlad Degaanka
Soomaalida. Maanta waxaa la taagan yahay maalin daran oo u baahan aragti dheer,
dulqaad iyo karti. Dagaal iyo colaad aanad diyaar u ahayn awoodna u lahayn waa
qar iska tuurnimo iyo ismiidaamin.
Hassan Keynan
keynanhassan@yahoo.com
Comments
Post a Comment