Carro-Udug Ayaan Ahay
Carro-Udug ayaan ahay Kun tobnaad cadgooysiyo Cal-Miskaad ayaan ahay Cidla ma aha Buuruhu. Waxaan caan ahaa beri Casri aanay jirin dalal Iyo caalam dawlada Carro-Udug ayaan ahay Ciidaydu Shaam iyo Lama aha Ciraaq deris Calmiskaad ma aha Raqqa Carro-Udug ayaan ahay. Gacankaa Cadmeed iyo Bad Cas iyo tan culusbaan Cirka sare ka hagayaa Waxaan ahay cirjiidh bari Ciidiyo dadkaygaan Ka jiraa cadaawaha Carro-Udug ayaan ahay. Cirdigayga iyo maal Ma galaan casuumaad Dulli kuma cabiidsamo Carro-Udug ayaan ahay. Waa caymo diintuye Rabbigoon cuskado iyo Ma sahwiyo cibaadada Carro-Udug ayaan ahay. Gob cumaamadeediyo Waan aqaan cisiyo sharaf Cidna Kama abaal dhaco Carro-Udug ayaan ahay. Dunidoo cammiran oo Ladanoo cuddoonbaan Dhinacayga ciidmaa. Carro-Udug ayaan ahay. Gogoshayda Caafiya Waa caano iyo nabad Dharaartay cakirantana Waxaan ahay cal iyo bado Cirka iyo dhulkaan ahay Iyo lama ciriirshaan. Darka soo cartama...