GEERIDAA MALCUUNAAY!
GEERIDAA MALCUUNAAY! Sharka uunka Makhluuqa Makrigiisa Insaanka Jinka meerisyadiisa Rabbiyow magantaa. Waad nagu mashquushoo Carro Edeg Malcuunay Waxaad dhigatay maqashii Iyo masallahaagii. Mahadhooyinkaagiyo Miinooyinkaagiyo Badanaa masaaraha Iyo maarta gawraca. Maxaad aragtay oo yaal Maxaad maqashay oo jira Oo aad Malcuunay Dalkayaga ku maagtood Ugu sii mamaysaa? Waa mudacyadaadii Iyo miciyahaagii Waxa mayracaaye Shan tobnaad Malcuunaay Dushayada ka muuqdaa. Magac iyo wixii qaran Maal iyo wixii dhiig Milgo iyo wixii dhaqan Godob nagaga kaa maqan Mugga iyo xisaabtii Madaxaaga weeyoo Adigaa maarkhaaatiya. Wayse muuqataayoo Damacaa Malcuunay Maqaarkiyo lafaha iyo Isir moora duug iyo Waa inaad na madhisaa. Gabbalkaa madoobaa! Geeridaa Malcuunaay! © 2023 Hassan Keynan