Xil Ma Dhibe Miyaa Maanta Yimid Golihii Xeerbeegta?
Mohamed Mursal Sh. Abdirahman, Afhayeenkii Baarlamaanka 10aad Xil ma dhibe miyaa maanta yimid Golihii xeer beegta? Xurmadee Dastuurkiyo ninkii Xeeri laga waayay Miyaa maanta xeradii sharciga Hano u soo xaytay? Xukun laguma waree ninkii Jebiyay xeerkiisa, Xilligii muddaysnaa ninkii Geliyay xeelaysi Ee yidhi kursigu waa xaraash Xooxsi iyo dheeman Xalaaleeyay kii shalay lahaa Laba sanoo xoog ah Miyaa maanta xiisaynayoo Xorriyo soo doonay? Xildhibaanayaalow siduu Xaalku yahay maanta? Xil ma gayo ninkaa idin hor yimid Xeerna ma ilaasho! Ku xammaalo mooyee golaha Uma ahayn xaakim. Xagal daaci mooyee sharciga Xooji kuma taamin. Ninka maanta xusul duubayee Xalane aad mooddo Ee raba in loo xulo mar kale Shalay xilkuu iibshay Xildhibaanayaalow siduu Idiinla xaajooday? Miyaydaan xusuusnayn kal hore Xamar wixii gaadhay? Xasrad iyo wuxuu dhiillo falay Qaran xajiimeeye? Haddaan lala xisaabtamin kuwii Xarigga loo d...