MUDANE XASAN KHAYRE XILKA HA KU WAREEJIYO CIDDII UU U HAYAY: SHACABKA SOOMAALIYEED
Haddii ay run tahay warqadda baraha bulshada wareegaysa ee uu RW hore ku codsaday inuu xilka ku wareejiyo RW cusub “si waafaqsan Dastuurka JFS, shuruucda dalka iyo dhaqanka dawladnimo;” Haddii ay dhab tahay in RW hore loo diiday inuu xilka ku wareejiyo RW Rooble; Muwaadin Xasan Khayre xilka ha ku wareejiyo ciddii uu markii horeba u hayay: shacabka Soomaaliyeed. Laba dariiq ayuu u mari karaa xil wareejinta: 1) Nuqul qoraal ah ha u gudbiyo Guddoonka Golaha Shacanka, Guddonka Aqalka Sare, iyo Madaxwaynayaasha Dawlad Goboleedyada. Dabeedna warbaahinta haka caddeeyo inuu sidaa sameeyay. 2) Haddii (1) laga hor istaago, waa inuu xil wareejinta ku daabacaa Internetka warbaahintana la wadaagaa, isagoo madoobaynaya ama ka saarayaa macluumaadka xasaasiga ah. Muwaadin Khaire siduu sheegay wuxuu u sharraxan yahay xilka MADAXWAYNAH JFS. Muwaadiniinta uu doonayo inay doortaan ama ay kalsooni siiyaan waxay uga fadhiyaan inuu la wadaago si buuxda oo hagar la’aan ah dhacdooyin waawayn, xadgudubyo d...